Barcelona oo halis ugu jirto inay weyso adeega mid ka mid ah xidigaheeda muhiimka ah kulanka soo aadan ee Villarreal

(Barcelona) 01 DEC 2018. Kooxda Barcelona ayay u muuqataa inay lumin doonto adeega mid ka mid ah xidigaheeda muhiimka ah kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Villarreal, kaasoo ka tirsan kulamada 14-aad ee horyaalka La Liga.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ciyaaryahanka Arthur Melo uu ka maqanaa tababaradii lasoo dhaafay ay kooxda Barcelona ugu diyaar garoobeyso kulanka kooxda Villarreal.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in fursada uu Arthur Melo u heysto ka qeyb galkiisa kulanka Villarreal ee horyaalka La Liga ay tahay mid aad u adag, balse wax walba waxaa la qiimeyn doonaa maanta oo sabti ah iyo sida uu kaga qeyb qaato tababarka.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa dhaawac dhanka jilibka ah uu kasoo gaaray kulankii adkaa ay kooxda Atletico Madrid kula ciyaareen horyaalka La Liga kaasoo kusoo idlaatay barbaro 1-1 ah.

Si kastaba liiska ciyaartoyda kooxda Barcelona dhaawacyada kala duwan kaga maqan kulanka soo aadan Villarreal ayaa waxaa ka mid ah Samuel Umtiti, Thomas Vermaelen, Sergi Roberto, Luis Suárez, Cillessen, Sergi Samper iyo Rafinha.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close