“Waxaan u maleynayaa in abaalmarinta Ballon d’Or  ay lumisay qiimahii ay laheyd hadii uusan qeyb ka ahayn Messi” – del Bosque

(Spain) 30 Nof 2018. Macalinkii hore xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid ee Vicente del Bosque ayaa ka dhawaajiyay sida uu kaga murugeysan yahay in Lionel Messi uu ka maqnaado u tartamida abaal marinta xidiga ugu fiican aduunka ee Ballon d’Or 2018.

Vicente del Bosque ayaa wuxuu arintan kaga hadlay kadib wareysi uu ku bixiyay wargeyska caanka ah “Marca” ee dalka Spain, wuxuuna sheegay sida ay layaab ula noqotay arintan.

“Aad ayaan ula yaabay, sababtoo ah Lionel Messi kama qeyb gali doono xaflada”.

Sida laga soo xigtay wargeyska, wararka ayaa waxay tilmaamayaan in abaal marintan uu ku guuleysan doono xidiga reer Croatia iyo kooxda Real Madrid ee Luka Modric, isla markaana uusan Messi ka mid noqon doonin mid ka mid ah saddexda xidig ee ugu sareysa abaal marintan.

Del Bosque oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa in abaalmarinta ay lumisay qiimihii ay laheyd hadii aysan musharaxiinta qeyb ka ahay ugu yaraan xidigaha ugu fiican aduunka, waxayna u muuqataa inay tahay arin cajiib ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close