Kooxda Barcelona oo war rasmi ah kasoo saartay xaalada dhaawaca Samuel Umtiti

(Barcelona) 30 Nof 2018. Kooxda Barcelona ayaa maanta oo Jimco war rasmi ah ka soo saartay xaalada difaaca reer France Samuel Umtiti, kaasoo haatan ku jira kasoo kabashada dhaawac uu qabay.

War saxaafadeedka rasmiga ah ee kooxda Barcelon ayaa lagu sheegay in Samuel Umtiti uu sii wadi doono inuu helo daaweyn deg-deg ah iyada oo aan loo baahan doonin wax qalliin ah, si wax looga qabto dhibaatada ka heysata dhanka jilibka bidix.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Samuel Umtiti uu u safri doono magaalada Doha ee dalka Qatar, si uu halkiisa kaga sii wado daaweynta dhaawaca dhanka jilibka isbuucyada soo aadan.

Laakiin Barcelona ayaa ilaa iyo haatan aanan go’aaminin waqtiga uu dib markale garoomada ugu soo laaban doono difaaceeda muhiimka ah ee reer France Samuel Umtiti.

Samuel Umtiti ayaa xili ciyaareedkan ku lug yeeshay 8 kulan ay kooxdiisa Barcelona ciyaartay , 7 ka mid ah waa horyaalka La Liga, halka kulanka kale uu yahay tartanka Champions League.

Laacibka reer France ayaa xili ciyaaeeedkiisa saddexaad ku qaadanaya safka kooxda Barcelona, wuxuuna ciyaaray 91 kulan ee ah dhamaan tartamada kala duwan, wuxuuna dhaliyay 2 gool.

Samuel Umtiti ayaa noqday mid ka mid ah difaacyada ugu fiican aduunka, kadib markii uu xulkiisa qaranka France uu ku hogaamiyay koobka aduunka 2018 ee ka dhacay dalka Russia.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close