Thibaut Courtois oo doortay Saddexda goolhaaye ugu fiican aduunka

(Real Madrid) 29 Nof 2018. Goolhayaha reer Belgium iyo kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa doortay saddexda goolhaaye ee ugu fiican aduunka sida uu qabo aragti ahaan.

Laakiin sheekada xiisaha badan ayaa ah in liiska saddexda goolhaaye uu magacaabay Thibaut Courtois uu si layaab leh ugu soo baxay Ter Stegen, inkastoo uu qeyb ka yahay safka kooxda Barcelona.

Thibaut Courtois ayaa u arka in Ter Stegen uu yahay goolhaayaha ugu fiican aduunka xiligan la joogo, wuxuuna sidoo kale doortay kan kooxda Liverpool ee Alisson Becker, iyo shabaq ilaaliyaha Atletico Madrid ee Jan Oblak.

Si la mid ah isla liiskan uu doortay Thibaut Courtois, waxaa horey u magacaabay halyeeyga reer Talyaani Gianluigi Buffon, kadib markii wax laga weydiiyay isla su’aashan.

Hadaba wargeyska “AS” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday hadalada ugu muhiimsanaa kadib wareysigii uu bixiyay goolhaayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois.

“Jan Oblak, Alisson Becker iyo Ter Stegen aniga ahaan waa kuwa ugu fiican, laakiin kama dooran karo dhexdooda kan ugu fiican, sababa la xiriira duruufo kala duwan ee jira dartood”.

Waxaa xusid mudan in Thibaut Courtois uu dhawaantan la kulmay dhaleeceen kala duwan, sababa la xiriira inuusan bixinin qaab ciyaareed la mid ah marka uu ku sugnaa kooxda Chelsea.

Laakiin wuxuu qaab ciyaareed fiican bixiyay kulankii ay kooxda Roma ku booqdeen Stadio olimpico ee tartanka Champions League, kaasoo ay Real Madrid guul ku gaartay 2-0.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close