“Tan iyo imaatinka Cristiano ee kooxda Juventus dhamaan ciyaartoyda ajaanibta ah waxay eeganayaan horyaalka Serie A”

(Yurub) 29 Nof 2018. Wakiilka Gareth Bale ee Jonathan Barnett ayaa ka dhawaajiyay in laacibka reer Weles uu ka tagi karo Real Madrid mustaqbalka, si uu ugu dhaqaaqo horyaalka Talyaaniga gaar ahaan kooxda Juventus oo suuqii xagaaga ku biiray Cristiano Ronaldo

Jonathan Barnett ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caanka ah ee “Tuttosport” wuxuu carabka ku adkeeyay in horyaalka Serie A xiliyada soo aadan uu sii sameyn doono hormar, hadii ay sii socoto in ay yimaadaan xidigaha waaweyn ee kubada cagta.

“Gareth Bale wuxuu aad ugu fiican yahay kooxda Real Madrid, laakiin hadii aad ka fekereyso mustaqbalka, kubada cagta wax walba waa macquul inay ka dhacaan, maadaama uu xita Cristiano Ronaldo ka baxay Los Blancos”.

“Cristiano Ronaldo weli waa uu faraxsan yahay, sababtoo ah wuxuu u ciyaaraa mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Italy”.

“Tan iyo markii uu yimid Cristiano kooxda Juventus dhamaan ciyaartoyda ajaanibta ah waxay ku fikirayaan inay ka ciyaaraan horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga, waxayna si aad ah u eegayaan inuu ka duwan yahay sanadihii lasoo dhaafay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close