Real Madrid Maxay AAMINSANAAYEEN markii ay iska iibinayeen Cristiano Ronaldo??

(Europe) 28 Nof 2018. Tababarihii hore ee Real Madrid Fabio Capello ayaa sheegay in Los Blancos ay gurnayeso cawaaqibta ka dhalatay inay moodeen inay guushu sahlanaan doonto Ronaldo la’aantii.

Camaaliqada reer Spain ayaa dhibtooneysa tan Iyo markii uu xiddigooda aduun dhan 88-milyan ugu biiray Juventus suuqii xagaaga.

Kaalinta lixaad ayay kaga jiraan horyaalka La Liga, 5-guul darana way gaartay 13-kulan ay ciyaareen horyaalka.

Macalinka lagu badelay ee Solari ayaa bilow fiican sameeyay balse sabtidii ayuu guul daro xanuun badan 3-0 kala kulamay naadiga Eibar.
Fabio Capello oo labo jeer qabtay xilka tababaranimo ee Real Madrid 1996/97 Iyo 2006/07 ayaa sharaxaad ka bixiyay waxa ay aaminsanaayeen Los Blancos markii ay iska iibinayeen Ronaldo.
Tokeo la picha la Cristiano Ronaldo and Fabio Capello

“Laga yaabee inay Rreal Madrid sii xumaaneyso.

“Way iska iibiyeen iyagoo moodaya inay sahal noqon doonto inay guul gaaraan Ronaldo la’aantiis, isla markaana ay Natiijooyinka isku mid ahaan doonaan.

“Markii uu Cristiano Ronaldo joogay Real Madrid, kooxaha kasoo horjeeda way cabsan jireen saaxiibadiisa kooxdana waxay heli jireen xornimo dheeri ah.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close