Manchester United oo waqti dambe guul ka gaartay Young Boys xilli bar-baro ay gashay City iyo dhammaan natiijooyinka kulamada Champions League

( Champ’ League ) 27 Nof 2018. Marouane Fellaini ayaa daqiiqadii u dambeysay kulanka u suuragaliyay United in 1-0 ay ku dhaaft dhigeeda Young boys.

Red Devils ayaa badan ku dhibtootay iney gaaraan goolka kooxda Switzerland balse ugu damebeyn daqiiqadii u dambeyay ayay baxsadeen.

Dhinaca kale Manchester ayaa bar-baro 2-2 ka heshay Lyon kulankii ay u martiyeen inkastoo kooxda Guardiola hogaanka laga yahay wax badan.

Waxaana labada gool ay ku bareejeyeen cayaara u kala dhaliyay Aymeric Laporte iyo Sergio Aguero.

Real Madrid ayaa dhakeeda guul 2-0 kaga adkaatay Roma oo ay u martiyeen waxaana goolasha u dhaliyay Gareth Bale iyo Lucas Vazquez.

Juventus ayaa iyagu dhankooda u suura gashay iney 1-0 ku dhaafaan Valencia waxaana gooshaa ku hogaamiyay Mario Mandzukic.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close