Kooxda Liverpool oo heleysa dhiiragalin xoogan ee ku aadan Sadio Mané kahor kulanka PSG

(Liverpool) 27 Nof 2018. Liverpool ayaa heshay war aad u wanaagsan, kahor kulanka xiisaha badan ay kula ciyaari doonaan habeen dambe ee Arbacada kooxda Paris Saint-Germain tartanka UEFA Champions League.

Wargeyska Liverpool Echo ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in weeraryahanka reer Senegale ee Sadio Mané uu si caadi ah kaga qeyb galay tababarka guud ay kooxda Reds ugu diyaar garoobeesay maanta oo Talaado ah kulanka habeen dambe ee PSG.

Waxaa jiray xiliyadii lasoo dhaafay shaki ku aadan in Sadio Mané uu seegi doono kulanka Paris Saint-Germain, kadib baaritaano caafimaad uu maray saakay, taasoo lagu sheegay inuusan diyaar u ahayn kulanka habeen dambe ee UEFA Champions League.

Jürgen Klopp ayaa shalay oo isniin ah sheegay in kooxda Liverpool ay go’aanka kama dambeysta ah ka gaari doonto maanta oo Talaado ah, hadii uu Sadio Mané taam u noqon doono kulanka PSG iyo hadii kale

Si kastaba waxaa la filayaa in Sadio Mané uu kaga soo garab muuqan doono Jürgen Klopp shirka jaraa’id kahor kulankooda 5-aad ee heerka group-yada tartanka UEFA Champions League

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close