Barcelona oo dooneysa inay Neymar kusoo Ceshato Lacago ka yar Daqligii ay horey uga Beecisay PSG

( Catalan ) 27 Nof 2018. PARIS SAINT-GERMAN ayaa la warinayaa iney u yeeleyso Neymar inuu ku laabto Barcelona qiimo dhan £178-milyan oo gini – taasoo £22m ka yar lacagihii looga iibiyay sanadkii 2017.

Wargeyska kasoo baxa Catalan ee Beteve, oo xiganaya AS, ayaa sheegay in ninka reer Brazil laga yaabo inuu dib ugu soo laabto Nou Camp kaddib markii uu ugu dhaqaaqay Paris lacag rikoodha oo dhan £200m 18-bilood ka hor.

Neymar ayaa waqti cajiiba ku qaadanaya kooxda difaacaneysa horyaalka France ee Ligue 1, isagoo u dhaliyay 41-gool 46-kulan uu u saftay.

Image result for Catalan-based outlet Beteve

Laakiin waxaa ka fahansan yahay in gabi ahaanba uusan ku faraxsaneen caasimada French, iyadoo Kylian Mbappe uu noqday macaga ugu sareeya PSG tan iyo markii uu ku guuleystay koobka adduunka.

Wakiilo ka socda Neymar ayaa si cad wada hadalo ula furtay maamulka Barca qaabkii ay dib ugu soo celin lahaayeen laacibka Spain.

Waxaa la sheegayaa in kooxda La Liga ay usoo dirtay shaqsiga Andre Cury magaalada London todobaadkii hore si uu ula kulmo Neymar Sr, oo ah aabaha xiddiga Brazil.

Barca ayaa kalsooni ku qabta in Neymar ay kusoo celin karaan gurigooda, iyadoo ay PSG la dagaalameyso arinta dhaqaala wanaagsa suuga sida ay shaacisay Football Leaks.

Waxaana laga yabaa xittaa iney u adeegsadaan heshiiskan laacibka qarabka ka cayaara ee Ousmane Dembele.

Yeelkeede, Barcelona ayaa laga yabaa in si dhaqsi ah ay ugu dhaqaaqo xiddigan kaa oo sido kale ay xiiseyneyso kooxda ay xafiilmataan ee Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close