Atletico Madrid oo lagu wado inay weyso mid ka mid ah xidigaheeda muhiimka ah inta ka dhiman sanadkan

(Atletico) 27 Nof 2018. Atletico Madrid ayaa maanta oo Talaado ah sameesay tababarkeedii ugu dambeeyay ay ugu diyaar garoobeesay kulanka Monaco ee tartanka Champions League.

Macalinka reer Argantina ee Diego Simeone ayaa wuxuu kulankan weyn doonaa dhamaan adeegyada xidigaha kala ah Diego Godín, José Giménez, Juanfran iyo weeraryahankiisa Diego Costa.

Wrgeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Atletico Madrid ay waayi doonto adeega weeraryahankeeda reer Spain ee Diego Costa xiliyada soo aadan.

Diego Costa ayaa suuragal ah inuu maro qaliin sababa la xiriira xanuun dhanka lugta ah uu qabay xiliyadii lasoo dhaafay.

Wararka ayaa waxay sidoo kale intaas kusii darayaan in 30 jirkan uu dareemayay xanuun dhanka lugta ah isbuucyadii lasoo dhaafay, waxaana ugu dambeyntii lagu qanciyay inuu maro qaliin, isagoo l filayo in garoomada uu ka maqnaan doono inta ka harsan sanadkan 2018.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close