Zidane oo hogaaminaya liiska musharaxiinta abaal marinta Globe Soccer Awards ee Tababaraha ugu fiican 2018

(Yurub) 26 Nof 2018. Waxaa lagu dhawaaqay liiska kama dambeysta ah ee musharaxiinta abaal marinta Globe Soccer Awards ee tababaraha ugu fiican sanada 2018.

Zinedine Zidane ayaa wuxuu liisan kaga soo muuqday kadib markii uu Real Madrid ku soo hogaamiyay saddex jeer xiriir ah tartanka xiisaha badan ee Champions League, kahor inta uusan ka dhaqaaqin dhamaadka xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Laakiin wuxuu loolan adag kala kulmi doonaa dhigiisa ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee xulka qaranka France Didier Deschamps, kadib markii uu isna ku soo guuleestay koobka aduunka 2018 ee lagu qabtay dalka Russia.

Macaliinta kale ee liiskan kasoo muuqday ayaa waxaa ka mid ah tababaraha kooxda Atletico Madrid Diego Simeone, kan kooxda Juventus Massimiliano Allegri iyo ugu dambeyn macalinka Liverpool Jürgen Klopp.

Waxaa xusid mudan in tani ay tahay abaal marintii 10-aad ee Globe Soccer Awards. Waxaana la filayaa  in lagu dhawaaqi doono  3-da Janaayo 2019.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close