Santiago Solari oo ku dhawaaqay liiska xidigaha Real Madrid kaga qeyb galaya kulanka Roma iyo LIX ciyaaryahan oo liiskan ka maqan

(Real Madrid) 26 Nof 2018. Tababare Santiago Solari ayaa ku dhawaaqay liiska xidigaha kooxda Real Madrid ee ka qeyb galaya kulanka habeen dambe Talaadada ah ay kooxda Roma kula ciyaari doonaan tartanka Champions League.

Liiska  xidigaha kooxda Real Madrid ayaa waxaa ka maqan magacyada 6 ciyaartoy sababa la xiriira dhaawacyo kala duwan ay qabaan kuwaasoo kala ah Keylor Navas, Nacho, Álvaro Odriozola, Sergio Reguilón, Jesús Vallejo iyo Casemiro.

Hadaba liiska xidiaha uu ku dhaawaaqay tababare Santiago Solari ee kulanka Roma ayaa kala ah:

Goolhaayaasha: Thibaut Courtois, Kiko Casilla, Luca Zidane.

Difaacyada: Dani Carvajal, Sergio Ramos, Raphaël Varane, Marcelo, Javier Sanchez.

Khadka dhexe: Marcos Llorente, Toni Kroos, Luka Modrić, Isco, Dani Ceballos, Marco Asensio iyo Valverde.

Weerarka: Gareth Bale, Karim Benzema, Lucas Vazquez, Mariano Díaz iyo Vinícius Jr.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close