Rafinha oo Dhaawac daran ka soo gaaray kulankii xalay ee Atletico Madrid….(Imise ayuu garoomada ka maqnaan doonaa)

(Spain) 25 Nof 2018. Rafinha ayaa dhaawac halis ah ka soo gaaray ciyaartii xalay ay Barcelona bar-baraha 1-1 la gashay Atletico Madrid.

Wiilka reer Brazil ayaa la sheegayaa inuu gaaray dilaac seedka jilibka ah taa uu garoomada uga maqnaan karo ilaa sagaal bilood.

Kulanka ayaa mid xun u ahaa Barcelona oo waxaa sidoo kale dhaawac muruqa ah garoonka looga saaray Sergi Roberto oo lagu soo badelay midka dhaawaca daran gaaray ee Rafinho.

Roberto ayaa garoonka ka baxay wax yar ka hor qeybta hore ee dheesha.

Rafinha ayaana soo galay qeybta labaad, balse ciyaarta dhammeystay iyadoo ay jirto inuu gaaray dhaawac daran.

Waxaa iminka la warinayaa inuu garoomada ka maqnaan doono lix ilaa sagaal bilood halka Sergi Roberto uu isna maqaan doono muddo bil ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close