Muxuu ka yiri Thomas Tuchel suurtogalnimada ay kaga qeyb gali karaan Neymar iyo Mbappé kulanka Liverpool ee Champions League?

(Champ’ League) 25 Nof 2018. Macalinka kooxda Paris-St Germain ee Thomas Tuchel ayaa ka dhawaajiyay suurtogalnimada ay kaga qeyb gali karaan xidigaha Neymar Jr iyo Kylian Mbappé kulanka Liverpool ee tartanka Champions League.

Thomas Tuchel ayaa wuxuu dhinaca kale tilmaamay inuu rajo aad u balaaran ka qabo in Neymar Jr iyo Kylian Mbappé ay ka qeyb gali karaan kulanka adag ee Livepool.

“Waxaan haatan ku rajo weynahay in xidigaha Neymar Jr iyo Kylian Mbappé ay awoodi doonaan ka qeyb galka tababarka guud ee kooxda, kahor kulanka Liverpool ee tartanka Champions League”.

Labadan xidig cajiibka ah ee Neymar Jr iyo Kylian Mbappé ayaa wuxuu hal habeen dhaawac kasoo wada gaareen inta ay ku gudi jireen gudashada waajibaadka xulalkooda qaranka Brazil iyo France.

Waxaa xiliyadii lasoo dhaafay jiray shaki ku aadan in Mbappé iyo Neymar Jr aysan ka qeyb gali Karin kulanka adag ay ku wajahayaan Mohamed Salah iyo saaxiibadiis tartanka Champions League.

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close