“Ma garan waxa ay iga damacsan tahay Barcelona.”. Jordi Alba oo Afka furtay

(Spain) 25 Nof 2018. Barcelona ayaa xalay dhibic saxriir ah ka soo heshay Atletico Madrid oo ay kula ciyaartay mininkooda Wanda Metropolitano, laakiin daafacooda Jordi Alba dhibaatada dhibcaha ay lumisay kooxdiisa waxaa kaga culeys badan midiisa shaqsi ahaaneed.

Heshiiska uu daafaca reer Spain ku joogo Nou Camp ayaa ka dhacaya 2020, balse ma jiraan wax saansaan ah oo ku aadan heshiis kordhintiisa.

“Ma hayo wax akhbaar cusub ah,” Alba ayaa sidaa yiri.

“Ma garanayo waxa ay kooxdu iga damacsan tahay.

“Waa wax qariib ah waayo wax badan kama harsana qandaraaskeyga.

“Ujeedkeygu waa inaan waayaheyga ciyaareed ku dhammeysto halkan.

“Waan arki doonnaa, ma garanayo u jeedka kooxda iyo kolka u moodayaan inay ku haboon tahay inay ii yeeraan aniga.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close