Zlatan Ibrahimovic oo ku dhaw inuu heshiis amaaha ugu Biiro AC Milan

( Milan ) 24 Nof 2018. Xiddiga naadiga LA GALAXY Zlatan Ibrahimovic ayaa ku dhaw inuu dib ugu laabto kooxda AC Milan bisha January heshiis amaaha, sida ay sheegeyso majalada La Gazzetta dello Sport.

Halyeeyga reer Sweden, oo 37-jira ayaa qiray iney xiiseyneyso Milan taa uu ka caawiyay horyaalkii ugu dambeyay oo ay qaaday Serie A sanadkii 2011.

Ibrahimovic wuxuu amaah ugu biiray Milan 2010 kaddib sanad wareera uu ku qaatay Barcelona, isagoo ugu dambeyn ka dhaqaaqay kooxda Catalan uu maamulayay Pep Guardiola.

Weeraryahanka ayaa xiligaa sheegay in Milan ay tahay kooxda dib ugu soo celisay dhoola cadeynta wajigiisa ‘ kaddib waqtigiisii qaraaraa ee garoonka Nou Camp.

Image result for Zlatan Ibrahimovic ‘close’ to AC Milan agreement on six-month loan move with option of permanent deal next summer

Ibrahimovic ayaa ka caawiyay kooxda reer talyaani hanashada horyaalkii u dambeyay ee Serie A 2010/11,iyadoo joogta ula wareegay ka hor inta uusan ku biirin naadiga PSG 2012.

Wuxuu ka dhaqaaqay garoonka San Siro isagoo u dhaliyay 56 gool 85- kulan uu u saftay Rossoneri, waxaana lala barbariyay halyeeygii kooxda ee Marco van Basten.

Wargeyska Gazzetta ayaa haatan warinaya in laga yaabo inuu hormariyo heshiiska amaahda ee bisha January  waxaana loogu dhaw yahay in lagu heshiiyo – iyadoo macquul tahay iney joogto ula wareegto bisha July.

Ninka reer Swede ayaa sido kale ku fashilmay inuu meesha ka qaaso dhaqaaqista, wuxuuna aamaanay macalinka Milan –ahna saaxiibkiisii hore Gennaro Gattuso.

Image result for Zlatan Ibrahimovic ‘close’ to AC Milan agreement on six-month loan move with option of permanent deal next summer

Wuxuu u sheegay Vanity Fair: “Ma dhahayo “Maya  mana oranayo “Haa “. Waad arki doontaa … [Gennaro] Gattuso waa cayaariyahan weyn iyo macalin weyn.

“Waxaa jiro xiiso, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan sanad kale ku qaato LA. Mana qarsana in Milan i dooneyso.

“Waxaan ku qaatay laba sano oo qurux badan mana dooneyn inaan ka dhaqaaqo, laakiin iyagaa igu qasbay inaan aado Paris.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close