‘ Waa Saxiixii ugu Xumaa Taariikhda ’ Jamaahiirta Real Madrid oo Weeraray Goolhaye Courtois Kaddib Guuldarradii Eibar

( La liga ) 24 Nof 2018. EIBAR ayaa ka dhalisay seddax gool Real Madrid taariikhdooda waana guushii u horreysay oo ay ka gaareen cayaartii dhawaan soo idlaatay horyaalka La liga… laakiin dhammaan saddaxda gool waxay ka dhasheen goolhayaha Thibaut Courtois.

Goolhayahan waxaa loo calaamadeeyay inuu yahay “Saxiixii ugu xumaa taariikhda kooxdan ” iyadoo Los Blancos ay soo gaartay guuldarradii ugu horreysay tan iyo markii loo magaacabay macalinka Santiago Solari.

Courtois waxay u aheyd maalin aan u wanaagsaneed kaddib markii goolka furitaanka uu ka dhaliyay Gonzalo Escalante daqiiqadii 16-aad.

Intaa kaddib goolhayahan ayaa ka dhashay laba gool oo dag dag qeybtii labaad ee dheesha – taasoo ay taagerayaashu durba ku muujiyeen caradooda.

Sergi Enrich ayaa goolka labaad ka dhaliyay kaddib todobaba daqiiqo oo cayaartu socotay markii laga yimid nasiinada ka hor inta uusan laacibkii hore ee Middlesbrough Kike goolka seddaxaad u dhaliyay naadiga Eibar.

Mid kamida taagerayaasha sida weyn ugu weeraray goolhayaha reer Belgium barta Twitter-ka ayaa yiri: “Chelsea waa iska dheereysay qaladaada Courtois isagoo markale ku sameeyay Real Madrid.”

Thibaut Courtois waa saxiixii ugu xumaa ebed Real madrid

Courtois waa saxiixii ugu xumaa xagaaga

Courtois kaliya waxaa laga dhaliyay goolasha Bidix Midig iyo Dhexda. In badan waa Saxiix aan loo baahneen

Courios wuxuu ahaa saxiix been abuur ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close