Manchester City iyo Liverpool oo la Joojin la’yahay Guulahooda xili United ay Old Trafford bar-baro kula gashay Crystal Palace

( Premier League ) 24 Nof 2018. Kooxaha xagaagan ku loolamaya horyaalka ee Manchester City iyo Liverpool ayaa gaaray guulo muhiima kulamadii ay cayaareen dhawaan horyaalka Premier League.

City ayaa qeybta horeba ku kala baxday dhigeeda West ham oo ay marti u ahaayeen taaso ay kaga badiyeen 4-0.

Goolasha ay u adkaatay City waxaa daah furay David Silva daqiiqadii 11-aad waxaana raacsaday Raheem Sterling halka goolka seddaxaad ee nasiinada lagu kala maray uu dhaliyay Leroy Sane.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe hogaamiyaasha Premier League ayaa dhammaadka kulanka dhaliyay goolka afaraad waxaana u dhaliyay markale Leroy Sane.

Dhanka kale Liverpool ayaa dhankeeda ka harin City oo waxa ay 3-0 kaga badiyeen naadiga Watford.

Goolasha Reds ayaa yimid qeybta dambe cayaara waxaana goolka kowaad u dhaliyay Mohamed Salah ka hor inta uusan Free kick ama laadka xorta ah uusan goolka labaad ugu dhalian daafaca Trent Alexander-Arnold.

Waxaana goolasha Liverpool soo dhameystiray xiddiga Firmino oo goolka seddaxaad dhaliyay dhammaadka dheesha.

Ugu dambeyn Manchester United ayaa awoodi weysay iney dhaafto Crystal Palace oo marti ugu aheyd Old Trafford kaddib markii kulankooda uu ku idlaaday goolal la’aan 0-0.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close