Klopp oo u jawaabay tababaraha xulka Masar kadib markii uu ku la taliyay Salah inuu ka tago Liverpool

(Liverpool) 24 Nof 2018 Tababaraha xulka qaranka Masar ee Javier Aguirre ayaa ugu baaqay weerar yahankiisa inuu ka tago Liverpool.

Javier Aguirre ayaa u sheegay Salah inuu ka tago Liverpool haddii uusan koob la qaadin sanadkaan ama kan xiga.

Image result for Javier Aguirre klopp

Hadalkaas waxaa u dul qaadan waayay tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp, wuxuuna u sheegay Javier Aguirre inuu isna ka tago Masar haddii uu koob u qaadi waayo sanadaha soo aadan.

Ka hor kulanka caawa ee Watford ayuu yiri tababare Klopp:

“Ma garanayo sababta dadku ay u dhahayaan sidaas, anigu kuma raacsani, laakiin kani waa adduun xor ah, wixii uu doono ayuuna sheegi karaa”.

“Waxaan jeclahay inaan ku iraahdo Javier Aguirre haddii uusan ku guulaysan koobab 2-da sano ee soo socota waa inuu iska badalaa xulka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close