Juventus oo xiddig aan Marcelo ahayn ka doonaysa Real Madrid

(Turin) 24 Nof 2018 Kooxda reer talyaani ee Juventus ayaa laacib muhiim ah ka doonaysa dhigeeda Real Madrid dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Juventus ayaa 100 milyan oo euro kula wareegtay xaggaagii hore Cristiano Ronaldo, waxayna haatan doonaysaa Marco Asensio.

Image result for Asensio Juventus

CalcioMercato ayaa daaha ka qaaday in Juventus ay si wayn u doonayso 22 jirka reer Spain ee Marco Asensio kaas oo aan boos joogto ah ka haysan Real Madrid.

Qorshaha Juventus ayaa ah in suuqa Janaayo ay ka qaadato Real Madrid daafaca reer Brazil ee Marcelo, iyaga oo u dhaqaaqaya dhamaadka xiliciyaareed kaan Marco Asensio.

Juventus ayaa loo lan ku aadan saxiixa Marco Asensio kala kulmaysa kooxo badan oo ay ku jirto Liverpool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close