Juventus oo sii Wadata Guulaheeda Kaddib markii ay garaaceen SPAL 2013+SAWIRRO

( Serie A ) 24 Nof 2018. Juventus ayaa sii xajisitay hogaanka horyaalka talyaaniga markii ay 2-0 ku dhaaftay SPAL 2013 welina waa guuldarro la’aan.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-0, waxaana hogaanka u dhiibay Bianconeri xiddiga Cristiano Ronaldo oo caawin fiican ka helay Miralem Pjanic.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad Juventus ayaa inta badan heysay maamula dheesha.

Balse kooxda martida ayaa dhankooda sameeyay dhawr jaanis oo goolka ah laakiin ma suuragalin iney helaan barbarha goolka.

Waxaana xaalada kusoo xumeeyay Mario Mandzukic oo goolka labaad u dhaliyay Juve daqiiqadii 60,

Guushan ayaa ka dhigan Juventus iney sii dheereystaan dhibcaha hogaanka waxeyna lee yihiin 37-dhibcood 13-kulan oo ilaa hadda la dheelay horyaalka Italy ee Serie A.

Cristiano Ronaldo of Juventus scores the goal of 1-0 during the Serie A match between Juventus and SPAL

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close