Chelsea oo Dusha loo Saaray Guuldaradii ugu horreysay Xilli cayaareedkan…+SAWIRRO

( Premier League ) 24 Nof 2018. Kooxda Tottenham ayaa soo afjartay rikoodhkii guuldarro la’aanta Chelsea markii ay kaga badiyeen 3-1.

Qeynta hore cayaarta ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay ku hogaamineysay kooxda Spurs, waxaana goolka daah furka u dhaliyay Dele Ali oo madax ku dhameystiray kubbadd Free kick ama Laadka xorta aheyd.

Daqiiqado aan sidaa u badneed kaddib Harry Kane ayaa goolka labaad ugu shubay Blues kaddib darbo uu fogaan dheer kasoo tuuray taaso xitta uusan dhaqaaq sameyn goolaha Chelsea.

Dib markii loogu laabtay kaambiyaha dambe Tottenham ayaa sii wadatay cayaarta oo waxay ahaayeen kuwa aad kaga gacan sareeyay dhigooda Chelsea.

Waxaana goolka seddaxaad u dhaliyay Son Heung-min oo si qurux badan goolka u dhaafiyay kubbad isaga iyo gool ilaaliyaha.

Dhammaadka dheesha Chelsea ayaa heshay goolka calanka waxaana madax ugu dhaliyay Olivier Giroud oo badal dheesha kusoo galay.

Guuldarrada iminka soo gaartay kooxda Sarri ayaa dhan guuldaradii ugu horreysay oo ay la kulmaan dhammaad tartamada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close