“Ma jirto qof kaga xaq badan Cristiano Ronaldo abaal marinta Ballon d’Or 2018”

(Liverpool) 23 Nof 2018. Macalinka kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa aaminsan in laacibka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uu u qalmo ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or 2018.

Sida ay wararka tilmaamayaan saddexda xidig ee isugu soo hartay in ay abaal marintan Ballon d’Or 2018 ku dagaalamaan way kala yihiin xidigaha Luka Modrić, Raphaël Varane iyo Kylian Mbappé.

Laakiin Massimiliano Allegri ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday kahor kulanka bari ay kula ciyaari doonaan horyaalka Talyaaniga kooxda SPAL, ayaa wuxuu kaga hadlay abaal marinta Ballon d’Or 2018.

“Cristiano Ronaldo wuu fiican yahay wuxuuna diyaar u yahay inuu bari ka garab ciyaaro Mario Mandžukić, waxba kama aqaano abaal marinta Ballon d’Or, laakiin ma jirto cid isaga kaga xaq leh”.

Si kastaba kooxda Juventus ayaa bari dib u ciyaari doonta horyaalka Serie, wuxuuna Massimiliano Allegri xaqiijiyay in kulanka kooxda SPAL uu seegi doono xidiga khadka dhexe ee Sami Khedira, halka uu Emre Can uu isna  halkiisa kasii wato inuu kasoo kabto dhaawaca uu kaga maqan yahay garoomada.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close