Jose Mourinho oo Soo kireysatay Cir-bixiyeen…..(DHULKA ayayba Man United ku ciyaartaa ee maxaa CIRKA ka galay!!!)

(Manchester) 23 Nof 2018. Macalinka Manchester United Jose Mourinho ayaa shaqaaleysiiyay nin Cirbixiyeen caan ah si uu ula hadlo ciyaartoyda yar yar ee ku xareysan Akaadamiyada kooxda isla markaana uu sare u qaado fikirkooda.

Red Devils ayaa soo kireysatay Cir-bixyeenka lagu magacaabo Steve Swanson kaa oo 195 maalmood ku maqnaa hawada sare si uu ula hadlo ciyaartoyda yar yarka ee kooxda isla markaana uu sare u qaado rajadooda iyo fikirkooda.

57-jirka ayaa Caruurta ku xareysan Akaadamiyada Old Trafford uga sheekeeyay khibradiisa hawada sare isagoona uga waramay sida ay muhiim u tahay in koox ahaan la iskula shaqeeyo.

Tokeo la picha la Manchester United hired steve swanson astronaut

“Stve ayaa caruurta uga waramay khibradiisa gaarka ah iyo sida ay muhiim u tahay in si wada jir ah la iskula shaqeeyo,” Ilo wareed la helay ayaa sidaa lagu yiri.

“Ciyaartoyda waxay u muuqdeen kuwa aad u xiiseynaya waxa uu ku hadlayay cir bixiyeenka. Waxaana rajeynayaa inay kor u qaadi doonto rajadooda.”.

Swanson oo iminka safar tamashle ku jooga UK ayaa calanka Manchester United u qaaday hawada sare ee Orbit 2014-tii oo waxaa ku qal qaaliyay oo ku qanciyay saaxiibkiisa reer Russia ninka lagu magcaabo Alexey Yakovlev kaa oo taageere wayn u ah Manchester United.

Tokeo la picha la Manchester United hired steve swanson astronaut

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close