Mourinho oo si maldahan kaga jawaab celiyay hadal uu dhawaan ka dhawaajiyay Iker Casillas

(England) 23 Nof 2018. Waxaa markale dib u soo laabtay loolanka Jose Mourinho iyo Iker Casillas, kadib 6 sano kahor khilaafka ku dhexmaray kooxda Real Madrid.

Iker Casillas ayaa laba maalin kahor sheegay “Hadii aan waqtiga dib u soo celin lahaa waxaan wajihi lahaa Jose Mourinho, isla markaana waxaan ula dhaqmi lahaa si daganaan ah, waxaana u maleynayay inay ahayd habka saxda ah ee lagu qiimeeyo Real Madrid”.

Intaas kadib Iker Casillas ayaa wuxuu sharaxay sababta ka dambeysa khilaafka dhex maray isaga iyo Jose Mourinho, inay tahay kadib markii uu isku dayay soo afjarida dagaalka xoogan ee kala dhexeeyay Barcelona taasoo uu sabab u ahaa macalinka reer Portugal ee Jose

Hadaba Jose Mourinho oo aanan sugin ayaa wuxuu ka jawaab celinayay hadalka goolhaayihii hore kooxda Real Madrid ee Iker Casillas wuxuuna yiri:

“Wareysigan waxay ila tahay inuu bixiyay ciyaaryahan ku gudi jira dhamaadka xirfadiisa kubada cagta, balse waxa aan ka bartay ayaa ah, marka uu sheegay inuusan ila kulmin, taasi ma ahan mid run ah, xili kasta ayuu ila kulmi jiray, waliba si joogta ah ee ka duwan cid kasta ee kale, balse waxay ahayd si qarsoodi ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close