Imise ayuu Kante mushaar ahaan u qaadanayaa Usbuucii iyo Sanadkii kaddib 5-sano oo Heshiis ah uu u saxiixay Chelsea….(Kante oo Koobaad galay)

(London) 23 Nof 2018. N’Golo Kante ayaa heshiis shan sano ah oo qaali ah qalinka ugu duugay kooxda Chelsea.

Xiddiga reer France ayaa aad lala xiriirinayay kooxda PSG ee ka dhisan dalkiisa iyo waliba Real Madrid balse laacibka ayaa maanta soo afjaray rajada ay kooxahaasi ka lahaayeen.

Kubbad bur-buriyaha Blues ayaa mushaar ahaan u qaadan jiray usbuuciiba 120,000 oo qura oo wuxuu ahaa laacibka lixaad ee ugu mushaarka badan kooxda.

Balse iminka waa laacibka ugu mushaarka badan kooxda Chelsea 290,000 oo bound kaddib heshiiska cusub uu dhawaan saxiixay oo wuxuu xitaa ka mushaar batay Eden Hazard oo usbuuciiba qaata 200,000.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close