Weeraryahankii hore ee Arsenal Nicklas Bendtner oo XABSI la dhigayo kaddib markii…..

(Europe) 22 Nof 2018. Dhaliyihii hore ee Arsenal Nicklas Bendtner ayaa 50 maalmood xabsi ku qaadanaya kaddib markii hoos loo dhigay Racfaan ku aadaneyd dambigii lagu soo oogay.

Horaantii bishan 30-jirka reer Denmark ayaa lagu helay dambiga ah inuu 9-kii September garaacay Darwal isla markaana uu wajiga ka laaday markii uu dhulka ku dhacay.

Bendtner oo la xiray bishii September kaddib markii uu Darawalka Booliska ku dacweeyay ayaa xukunka xabsiga lagu riday horaanta bishan waxaana sidoo kale lagu ganaaxay lacago dhan 180.

Waxaa la tusiyay muuqaalka marka uu dilayay Darwalka wuxuu xitaa ka jabiyay Daanka sida la wariyay.

Xiddigii hore ee Gunners ayaa diiday inuu bixiyo beesada uu Taxi-ga ku soo raacay 4.80 oo bound ka hor inta uusan feer la dhicin darwalka isla markaana laad ugu darin mar uu dhul dhacay.

Darwalka Daanka laga jabiyay oo dacwada ka soo gudbiyay Weeraryahankii hore ee Premier League ayaa la sii daayay inkastoo qudhiisa lagu xukumay 350 oo bound maadaama uu Taleefankiisa isticmaalayay isagoo baabuurka kaxeenaya isla markaana uusan xiran Suunka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close