Jose Mourinho oo OOYIN Jabsaday kaddib markii uu ogaaday inuu Khiyaanay Sir Alex Ferguson…..(Sidee wax u dheceen?)

(Manchester) 22 Nof 2018. Jose Mourinho ayaa la warinayaa inuu Ooyin Jabsaday kaddib markii uu ogaaday inuu Qiyaanay Sir Alex Ferguson.
Macalinka ugu koobabka badan Ingiriiska ayaa ku taliyay oo soo jeediyay in booskiisa lagu badelo David Moyes markii uu xilka ka dagay taa uu Mourinho qiyaano u arkay.
Macalinka reer Scotish ayaa loo magacaabay xilka Red Devils 2013 markii uu Ferguson ka fariistay ciyaaraha balse hal xilli ciyaareed oo qura ayuu xilka hayay ka hor inta aan la ceyrin.
Yeelkeede, Jose Mourinho ayaa u heystay inuu helay shaqadiisa riyada markii uu saaxiibkiisa dhow ka fariistay ciyaaraha.
Saxafiga reer Spain ninka lagu magacaabo Diego Torres ayaa buugiisa “Prepare to Lose” daaha uga rogay in macalinka reer Portugal uu dareemay inuu qiyaanay saaxiibkii dhow ee Ferguson.
Mourinho ayaa waqtigaa macalin u ahaa Real Madrid balse wuxuu aaminsanaa inuu helay fursada uu macalin ugu noqon lahaa kooxdiisa riyada.