Jamaahiirta Real Madrid oo codkooda ka dhiibtay dib u soo celinta James Rodríguez (maxayse ka dhaheen?)

(Real Madrid) 22 Nof 2018. Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in jamaahiirta kooxda Real Madrid ay doonayaan in markale uu James Rodríguez dib ugu soo laabto garoonka Santiago Bernabeu.

Laacibkan reer Colombia ayaa ka dhaqaaqay safka kooxda Real Madrid sanadii 2017, isagoo heshiis amaah ee mudo laba xili ciyaareed ah ugu biiray Bayern Munich.

Wargeyska ayaa tilmaamay in jamaahiirta kooxda Real Madrid ay taageerayaan fikradda ah soo laabashada markale ee James Rodríguez, kadib markii uu wargeyska arintan ka sameeyay cod uruurrin.

Wargeyska “AS” ayaa daabacay natiijada kasoo baxday cod uruurintii uu sameeyay waxayna noqotay in 73.8% ay u codeeyeen in James Rodríguez uu dib ugu soo laabto garoonka Santiago Bernabeu, halka 26.2% jawaabta ay bixiyeen ay noqotay “Maya”.

Sdiaas darted tirada jamaahiirta dooneysa in James Rodríguez uu dib ugu soo laabto garoonka Santiago Bernabeu, ayaa ka badan kuwa jawaabtooda ay maya noqotay.

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez iyo macalinka reer Argentina Santiago Solari, ayaa doonaya in James Rodríguez uu dib ugu soo laabto xagaaga soo aadan.

Dhinaca kale wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in saraakiisha kooxda Bayern Munich ay doonayaan inay iska fasaxaan laacibka reer  Colombia maadaama uu xumaaday xiriirka kala dhexeeyay macalinka kooxda, marka laga soo tago in xitaa uu laacibka doonayo dib ugu laabashada Los Blancos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close