Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo maanta dib ugu soo laabanaya Muqdisho kaddib Guushii ay ka gaareen Itoobiya

(Muqdisho) 21 Nof 2018. Xulka Qaranka ayaa maanta dib ugu soo laaban doona caasimada magaalada Muqdisho kaddib guushii ay ka soo gaareen xulka Ethiopia.

Inkastoo ay Soomaaliya 1-0 uga adkaatay Itoobiya kulankii shalay ka dhacay dalka Jabuuti misane waa ay ka soo hareen gabi ahaan isreeb reebka Ciyaaraha Oleymbikada adduunka maadaama goolal badan lagu lahaa.

Itoobiya ayaa 4-0 u soo dhiibtay xulka lagu naaneyso Ocean Stars lugtii hore oo ay mininkeeda ku marti galisay, taa oo ka dhigan in wiilasha Soomaaliya laga doonayay 5-0 si ay u soo gudbaan ama ugu yaraan 4-0 si rigoorayaal ama waqti dheeri ah loo aado

Xiddigaha Xulka waxey caasimada Magaalada Muqdisho ku soo wajahan yihiin saacada marka ay tahay 11:00 barqanimo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close