Qiimaha ay ku dooneyso Juventus inay dib ugu soo celiso Pogba magaalada Turin oo la shaaciyay

(Juventus) 21 Nof 2018. Wargeysyada gudaha dalka Talyaaniga ayaa waxay maanta daboolka ka qaadeen suurtagalnimada wada hadalada ay ku dooneyso kooxda Juventus inay dib ugu ceshato saxiixa Paul Pogba.

Wargeyska ” Tuttosport ” ayaa wuxuu daboolka ka qaaday qiimaha ay kooxda Juventus ku dooneyso inay kula soo saxiixato Pogba suuqa kala iibsiga ee soo aadan

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in naadiga lagu naaneyso Old Lady ay qorsheyneyso inay bixiso 60 milyan euro si ay ula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paul Pogba.

Laakiin wararka ayaa waxay tilmaamayaan in kooxda Manchester United ay dooneyso 20 milyan euro oo dheeri ah si ay heshiiska u dhameeyaan.

Dhinaca kale wargeysyada gudaha dalka Talyaaniga ayaa waxay baahiyeen in  Paul Pogba uu u balan qaaday jamaahiirta Juventus in markale uu  dib ugu soo laaban doono Allianz Stadium sida ugu dhaqsida badan, kadib kulankii Juventus iyo Manchester United ee tartanka Champions League.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close