Neymar Jr oo laabta u qaboojiyay jamaahiirta, kadib dhaawacii kasoo gaaray kulankii Xalay ee Cameroon

(France) 21 Nof 2018. Neymar Jr in dhaawaca xalay soo gaaray dhanka muruqa uu yahay mid halistiisu ay ka yar tahay sida uu qof kasta filayay.

Laacibka reer Brazil ayaa ciyaaray 6-daqiiqo oo qura ka hor inta aan garoonka dhaawac muruqa ah looga saarin ciyaartii uu xulkiisa Brazil xalay 1-0 uga adkaaday Cameroon.

Balse Neymar Jr ayaa laabta u qaboojiyay jamaahiirta kubada cagta aduunka, kadib markii uu boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka uu kusoo qoray fariin ku socota jamaahiirta.

“Waxaan u mahad celinayaa qof walba ee ii soo diray fariimo, waxaan rajeynayaa inaan si dhaqso ah ku soo kabsado, uma maleynayo inuu dhaawaca yahay mid halis ah”.

“Waxaan sanadkan ku soo gabagabeyneynaa farxad, sababtoo ah dadaaladii ugu dambeeyay ee aan sameynay ilaa iyo haatan waxay ahaayeen kuwo muhiim inoo ah”.

“Si aan u soo kabano, kadib niyad jabkii koobkii aduunka, wali waan xooganahay, waxaan diirada saareynaa isla markaana aan raadin doonaa sida aan ku sameyn lahayn waxa ugu fiican”.

Si kastaba waxaa shaki xoogan la galinayaa in Neymar Jr uu awoodi karo ka qeyb galka kulanka Liverpool ee wareega 5-aad heerka group-yada tartanka Champions League, taasoo dharbaaxo xoogan ku noqoneysa kooxda PSG, maadaama ay raacdo ugu jiraan sida ay ugu gudbi lahaayeen wareega xiga ee 16-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close