Muxuu ka yiri Mauro Icardi rajada uu ka qabo in Messi uu markale dib ugu soo laabto xulka Argantina?

(Argentina) 21 Nof 2018. Xidiga reer Argentina ee Mauro Icardi ayaan qarinin sida uu u doonayo in Lionel Messi uu markale dib ugu soo laabto xulka qaranka Argantina xiliyada soo aadan.

Mauro Icardi ayaa ka caawiyay xulka qaranka Argantina guushii 2-0 ahayd ay kaga gaareen dhigooda Mexico kulankii saaxiibtinimo ay wada ciyaareen subaxnimadan Arbacdaha ah.

“Messi waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, dhamaan ciyaartoydana waxay doonayaan inay heystaan xidig sida isaga oo kale ah”.

“Waxaana rajeyneynaa inuu ku soo laaban doono xulka qaranka kulamada soo socda iyo waliba inuu ka qeyb galo Copa America”.

Dhawaan ayay ahayd kadib markii ay warbaahinta Argentina tilmaameen in Lionel Messi uusan ku fikireynin in uu dib ugu soo laabto ciyaaraha caalamiga ah ama inuu xirto maaliyada xulka Argentina.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanaya kahor dhowr bilood inta uusan si rasmi ah u daah furmin tartanka Copa America oo sanadkan lagu qaban doono dalka Brazil.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close