Xulka Soomaaliya oo kaga aar-gutay Ethiopia, kulankii lugta labaad ee isreeb reebka Oleymbikada Adduunka

(Jabuuti) 20 Nof 2018. Waxaa soo idlaatay ciyaartii u dhaxeysay xulkeena Soomaaliya iyo Ethiopia, taa oo qeyb ka aheyd isreeb reebka koobka Oleybikada Adduunka.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa iskeenay kulankii galabta lugta labaad ee isreeb reebka Oleymbikada Adduunka iyagoo ka war qaba guuldaradii kasoo gaartay kulankii lugta hore, wuxuuna kulan ka dhicay Jabuuti oo u dhigan guriga xulkeena.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan wiilasheyna ayaa waxey soo bandhigeyn kubadd ay ku qanceen taageerayasha u soo daawasho tagay ciyaartan.

Qeybtii hore kulanka ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku horkaceyso xulkeena waxaana goolka dhaliyay Feysal Axmed, sidaas ayaa lagu kala nastay qeybtii hore dheesha.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta xulkeena ayaa waxay sii laba jibaareen weerarka ay ku hateen xulka Ethiopia si ay u dhaliyaan goolal kale balse ma aysan u noqon iney gool kale ka dhaliyaan daqiiqadaha ka dhinaa ciyaarta.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 1-0 ay guusha ku raacday xulkeena Soomaaliya waaa guul kale taariikhi ah uu xulka Soomaaliya ka gaaray Ethiopia, xili hore ay guul kaga soo gaareen xulka 17-sano jirada maantna waa 23-sano jirada.

Balse xulkeena Soomaaliya ayaa waxay kaga hareen tartankan sharciga farqiga goolasha.

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close