SOOMAALIYA vs ITOOBIYA: Goobta, Goorta, sida uu ku soo bixi karo Xulkeena iyo wax kasta oo aad uga Baahan tahay kulanka Galabta ka dhacaya dalka Jabuuti

(Jabuuti) 20 Nof 2018. Xulka Soomaaliya ayaa lugta labaad ee isreeb reebka Oleymbikada Adduunka galabta la ciyaari doona Itoobiya kulan ka dhici doona Jabuuti oo u dhigan guriga xulkeena.

Wiilasha Xulkeena ayaa guuldaro xanuun badan kala soo kulmay xulka Ethiopia lugtii koowad ee ka dhacday wadanka Ethiopia gaar ahaan garoonka Addis International Stadium.

Ocean Stars ayaa maalmihii ugu dambeyay waxey tababar xoogan ku qaadanayeen garoonka lagu magacaabo Guuleed Haji Stadium ee Dalka Jabuuti.

Soomaaliya  waxaa kulankan ka maqnaanaya xidiga khadka dhexe kooxda Horseed Nuune Haashim kaa oo dhaawac muruqa ku seegaya ciyaartan.

Nuune Haashim ayaa dhaawac soo gaaray kulankii lugta hore ee Soomaaliya looga adkaaday 4-0.

Xulkeena kaliya waxey ku soo baxaan 5-gool iney ka dhaliyaan xulka Ethiopia waa rajo aad u liidata.

Ogeysiis Ciyaarta:

Tartanka: Isreeb –Reebka Oleybikada Adduunka.

Xulalka: Somalia Vs Ethiopia

Maalinta: Talaado Taariikda : 20-11-18

Garoonka: El Hadj Hassan Gouled Stadium

Saacada: 3:30

W/D: Cabdifitaax Nani:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close