Marouane Fellaini oo shaki galiyay awooda ciyaareed ee kooxda Manchester City

(Manchester) 20 Nof 2018.Khadka dhexe kooxda Manchester United ee Marouane Fellaini ayaa shaki galiyay awooda ciyaareed ee kooxda ay daris wadaaga yihiin ee Manchester City.

Marouane Fellaini ayaa wuxuu tilmaamay in Kooxda Manchester City aysan sii wadi doonin awoodeeda ciyaareed iyo guulaheeda, ay sanadihii lasoo dhaafay ka sameesay horyaalka Premier League.

“Waxaan xasuustaa xiligii aan imaanayay England, dadka oo dhan waxa ay dhahayeen 4 kooxood waaweyn ee dalka England”.

“Laakiin haatan dadka oo dhan waxay sheegayaan 6-da kooxood waaweyn ee horyaalka Premier League, sidaasi darted wax walba waa ay adkaanayaan xilli ciyaareed kasta”.

“Xilli ciyaareedka soo socda waxaa isbadali doonta xaalada, xilli ciyaareed kasta waxay xaalada noqon doontaa mid aad u adag, sidaasi darteed Premier League waa mid mar walba soo jiidasho leh”.

“Manchester City waa koox xoogan, balse waxay la kulmi doontaa guuldaro xili dhow ama xili fogba”.

“Haa, waa koox aad u fiican, laakiin waxaa jira suurtogalnimo ah inaan ka guuleysan karno, waxaan kala kulanay guuldaro kulankii dhawaa aan wada ciyaarnay, laakiin waxaa jira kulan kale ee ka dhacaya Old Trafford, waan arki doonaa waxa dhaca”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close