Alex Sandro oo albaabka u furay rabitaanka kooxda Chelsea

(Yurub) 20 Nof 2018. Waxaa dib u soo laabatay rajada ay kooxda Chelsea .ka qabto saxiixa difaaca reer Brazil iyo Juventus Alex Sandro, kadib markii laacibkan uu xiiso balaaran ka muujiyay u dhaqaaqista horyaalka Premier League.

Sandro ayaa kooxda Juventus kaga soo biiray Porto sanadkii 2015, wuxuuna muujiyay inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican ee daafaca bidix ee adduunka.

Kooxda Chelsea ayaa horey u muujisay rabitaankeeda kaga aadan adeega laacibka reer Brazil, lakiin ciyaaryahanka ayaa go’aansaday inuu kasii ciyaaro kooxda reer Talyaani ee Juventus.

Laakiin Alex Sandro oo haatan da’adiisu tahay ayaa doonaya inuu tijaabiyo xirfadiisa horyaalka Premier League ka hor dhamaadka mustaqbalkiisa

“Waxaan doonayaa inaan ka ciyaaro horyaalka Premier League, lakiin haatan waan ku faraxsanahay kooxdeyda Juventus iyo tartanka horyaalka Talyaaniga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close