SAWIRRO U GAAR AH GOOL FM: Xulka Qaranka Soomaaliya oo Tababarkii ugu dambeeyay ku sameeyay Jabuuti ka hor kulankooda Itoobiya

(Soomaaliya) 19 Nof 2018. Xulka qaranka  Soomaaliya ayaa diyaar garow xoogan ugu jira kulan ay la dheeli doonan xulka Ethiopia lugta labaad ee tartanka isreeb reebka koobka Oleybikada Adduunka.

Xidigaha Xulka ayaa saaka tababar xoogan waxey ku qaateyn xeebta lagu magaacbo Eeroo taa oo ku taala dalka Jabuuti.

Wiilasha Xulkeena ayaa guuldaro xanuun badan kala soo kulmay xulka Ethiopia lugtii koowad ee ka dhacday wadanka Ethiopia.

Maalintii shaley ayee aheyd markii ay gaareen dalka Jabuuti wafdi uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed Mudane Cali Shiine iyo Cali Saciid si ay u daawadan kulanka ay xulkeena la dheeleyn doonan Ethiopia.

Ocean Stars ayaa maalmihii ugu dambeyay waxey tababar xoogan ku qaadanayen garoonka lagu magacaabo Guuleed Haji Stadium ee dhaca Dalka Jabuuti.

Maalinta bari ayay xulkeena  la dheeli doonan Ethiopia kulanka lugta labaad ee tartanka Oleybikada Adduunka.

W/Q: C/fitaax Naani.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close