“Way adag tahay in la diido Barcelona, sababtoo ah waxaan doonayay inaan la saaxiibo Messi”

(La Liga) 19 Nof 2018. Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa xaqiijiyay in waqtigii uu furnaa suuqii kala iibsiga ee xagaaga inuu ahaa xiligii ugu adkaa noloshiisa,

Antoine Griezmann ayaa wuxuu ku dhawaaday inuu ku biiro kooxda Barcelona, isla markaana uu isaga dhaqaaqo kooxda Atletico, wuxuuna wareysi uu dhawaan bixiyay kaga hadlay arintan.

“Marka aan diiday ku biirista kooxda Barcelona, waxay ahayd waqti aad u adag”.

“Way igu adkayd inaan diido kooxda Barcelona sababtoo ah waxaan ka helay dhowr dalab, laakiin ugu dambeyntii waxaan diidey inaan u dhaqaaqo Blaugrana”.

“Atletico Madrid waxay dadaal weyn ugu jirtay inaan kooxda kusii sugnaado, waxaan dareemay inay jecel yihiin inaan la sii shaqeeyo”.

“Waxaa laga yaabay inaan xiiseenayay ka garab ciyaarista Lionel Messi, laakiin maamulka Atletico Madrid ayaa waxay wax walba u sameeyeen sida ay ku miijin lahaayeen sida aan muhiim ugu ahay kooxda, sidaas darteed waxaan go’aansaday inaan ka dhaqaaqin, waxa ay aheyd waqti aad u adag”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close