Maurizio Sarri oo si weyn ula yaabay maskaxda mid ka mid ah xidigaha kooxda Chelsea

(Chelsea) 19 Nof 2018. Macalinka reer Talyaani ee Maurizio Sarri ayaa shaaca ka qaaday ciyaaryahanka uu la yaabay ka dib markii uu yimid kooxda Chelsea xili ciyaareedkan.

Wargeyska “La Gazzetta dello Sport” ee dalka Talyaani ayaa wuxuu daboolka ka qaaday wareysi uu dhawaan Maurizio Sarri kaga hadlay kooxdiisa Chelsea.

“Waxaan ku kalsoonahay dhamaan ciyaartoyda, kaliya ma ahan inaan ka fikirno arimaha jireed, laakiin sidoo kale waa inaan ka fikirnaa dhanka maskaxda”.

“David Luiz wuxuu igaaga yaabiyay maskaxdiisa, sidoo kale Ross Barkley wuxuu u ciyaaraa si joogta ah kadib mudada fog uu dhaawac kaga maqnaa garoomada”.

“Willian waa ciyaaryahan tayo sarre leh, qaab ciyaareedkiisa waa mid ku haboon kubada cagta dalka England”.

“Álvaro Morata waa ciyaartahan tayo sare leh, xawaare iyo taatiko leh, balse waxaa saameeyay caqabadaha qaar”.

Waxaa xusid mudan in David Luiz xiliyadii dambe ee macaliinkiisii hore ee Antonio Conte uu ka saaray qorshihiisa, laakiin mar kale ayuu soo laabtay si uu kaga qeyb qaato qorshaha Maurizio Sarri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close