Khilaafka u dhexeeya Neymar iyo Cavani iyo saameynta ay ku yeelan karto kooxda PSG

(PSG) 19 Nof 2018. Halyayga xulka qaranka France Bixente Lizarazu ayaa xaqiijiyay in khilaafka u dhexeeya xidigaha Neymar Jr iyo Edinson Cavani ay saameyn weyn ku yeelan karto kooxda Paris St Germain.

Waxaa jiray hadalo dhanka afka ah ee dhex maray xidigaha Neymar Jr iyo Edinson Cavani inta lagu gudi jiray kulankii ay xulalka Uruguay iyo Brazil ku wada ciyaareen dhawaan magaalada London.

Brazil ayaa kulankan guul ku gaartay 1-0 uu u dhaliyay laacibka kooxda PSG ee Neymar, balse inta uu kulanka socday  Edinson Cavani ayaa taakilo xaagan ku sameeyay saaxiibkiis Neymar Jr taasoo sababtay in uu murun xoogan dhex maro labada ciyaaryahan.

Hadaba halyayga xulka qaranka France Bixente Lizarazu ayaa ka hadlay arintan wuxuuna yiri:

“Xiriirka Neymar Jr iyo Edinson Cavani, waa sida volcan-ka oo kale, waxaa jira xiiso badan ee u dhaxeeya labada ciyaaryahan, waxaana qabaa inay dhibaato weyn ku tahay kooxda PSG”.

“Ma jiro qof jecel inuu guuldareysto, kulamada saaxiibtinimo iyo kuwa rasmiga ah intaba, sidaas darteed waxaa suuragal ah in ciyaartooyda ay caroodaan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close