DAAWO: Bal Arag fursad uu khasaariyay Alvaro Morata

(Europe) 19 Nof 2018. Weeraryahanka Chelsea iyo xulka Spain Alvaro Morata ayaa xulkiisa ka khasaariyay fursad aad u sahlan kaddib markii uu kubbada hareer mariyay goolka oo bannaan isagoona u jiray Lix yard oo kaliya.

Tababare Luis Enrique ayaa weerarkiisa ku soo bilaabay Morata ciyaartii saaxiibtinimo ay 1-0 uga adkaadeen Bosnia.

Weeraryahankii hore ee Juve iyo Real Madrid ayaa doonayay inuu si wayn isku muujiyo isla markaana uu ka faa’iideysto fursada xulka looga yeeray maadaama laga soo tagay koobkii adduunka.

Balse nasiib darro wax gool ah ma dhalin waxaase kaaga sii daran inuu cunay fursad aad u sahlan oo lagu sheegi karo mid ka mid ah goolashii ugu xumaa ee la khasaariyay xagaagan cusub.

DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close