“Cristiano Ronaldo wuxuu ciyaari karaa 7-sano hadda kaddib, laakiin aniga.”.

(Italy) 19 Nof 2018. Cristiano Ronaldo wuxuu sii ciyaari karaa ilaa Afartan jirkiisa sida uu qabo daafaca reer Talyaani ee kooxda Juventus Giorgio Chiellini.

Xiddiga reer Portugal ayaa 34-jirsan doona inta uusan dhammaan kal ciyaareedkan balse ma jiraan wax hoos u dhac ah oo ilaa iminka ka muuqda.

Ronaldo oo xilli ciyaareedkan ku soo biiray horyaalka Serie A ayaa durba dhigaya wacdaro muuqata isagoona kooxda ka caawiyay guulaha ay ilaa iminka gaartay.

Daafaca mayilka adag ee Juve Giorgio Chiellini oo la waydiiyay haddii isaga iyo Ronaldo ay sii ciyaari karaan ilaa 40-jirka ayaa ku jawaabay:

“Miyaan sii ciyaari karnaa ilaa 40-jirka? Haa, inkastoo aan aamisaneyn inaan anigu sii ciyaari karo.

“Ma ahan wax wayn inuu yahay qofka ugu horreeya ee tababarka yimaad si uu farqi u sameyo ee waa sida uu u shaqeeyo, wuxuu kugu dhiiro galinayaa inaad hormariso nafsadaada.

“Waxaa taa dheer, waa mid caqli badan, wuxuu yimid horyaalo iyo dalal kala duwan, balse wuxuu darbo isku dayay inuu fahmo dhaq-dhaqaaqa iyo isdhax-galka.

“Wuxuu u soo laaban doonaa xulkiisa qaranka wuxuuna awoodi doonaa inuu ciyaaro waqti ka badan aniga, waa inaan maareeyo nafsadeyda.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close