Sheekada Barcelona iyo Dembele oo gaartay meeshii ugu xumeyd…..(Laacibka oo la Ogaaday inuu Jiro Been ah isku rido si uu….)

(Europe) 19 Nof 2018. Barcelona ayaa qaati ka soo istaagtay Ousmane Dembele iyadoona aad uga walaacsan saaxiibada uu la socdo sida ay sheegayaan warar dhawaan gal ah.

Laacibkii hore ee Dortmund kaa oo Barcelona ugu soo dhaqaaqay adduun dhan 97 milyan sanadkii hore ayaa waqti qasan ku qaadanaya kooxda reer Spain mudada yar uu la joogo.

Waxaa laga reebay safka kooxda markii ay Champions League ku wajaheysay Inter Milan kaddib markii uu soo daahay 20-daqiiqo, sidoo kale tababare Ernesto Valverde ayaa goor dhow safkiisa ka reebay kaddib markii tababarka soo xaadiri waayay isagoo sheeganaya xanuun been ah.

Tokeo la picha la Ousmane Dembele sick

Inkastuu laacibka dar dar fiican la yimid kal ciyaareedkan, lix gool iyo labo caawin misane Barcelona ayaa qaati ka taagan weeraryahanka reer France.

Barca ayaana walaaca ugu badan ka qabta saaxiibadiisa.

SPORT ayaa warineysa in subuxii uu jirada sheeganayay uu taleefankiisa dansaday iyadoo ugu dambeyn xubin ka tirsan waaxda caafimaadka Barca uu tagay gurigiisa bartanka maalinkaas.

Wuxuu soo arkay dhowr dhalin yaro oo jiifta gurigiisa ka hor inta uusan tijaabo ka qaadin xaalada caafimaad ee 20-jirka kaa oo ay soo baxday inuusan qabin wax xanuun ah oo muuqda.

Kooxda ayaana iminka ogaatay in dhibaatada heysata laacibka ay tahay saaxiibada ku hareereysan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close