Xulka England oo u Gudbay Afar Dhammaadka Uefa Nations League kaddib Guul ay ka gaareen Croatia.

( Europe ) 18 Nof 2018. Qaranka lagu naaneyso Seddaxda libaax ayaa guul soo laabasho ah ka gaaray dhigiisa Croatia tartanka horyaalka qaramada yurub markii ay ku garaaceen 2-1.
Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray goolal la’aan 0-0.
Balse qeybtii dambe xulka martida ee Croatia ayaa hogaanka dheesha qabtay daqiiqadii 57-aad waxaana goolka u dhaliyay laacibka Krameric.
Laakiin goolka waxaa England u barbareeyay Jesse Lingred ka hor ibta uusan Harry Kane dhalin goolka guusha daqiiqdii 85-aad.
Guusha England ayaa ka dhigan iney u gudbeen wareega afar dhammaadka tartankan oo la cayaari doono Bisha June ee sanadka soo aadan ee 2019.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close