Madaxweynaha FIFA oo usoo hambalyeeyay Madaxwaynaha Kubbada Cagta Soomaaliya

(Muqdisho) 18 Nof 2018. Madaxweynaha xiriirka kubbadda Cagta aduunka ee FIFA Gianni Infantino ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray madaxweynaha kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo todobaadkan mar kale dib loo doortay muddo afar sanadood oo kale ah in uu sii hogaamiyo kubbada Cagta Soomaaliya.

“Mudane madaxweyne ii ogolaaw in aan kuu soo diro hambalyo diirran oo ku aadan in dib lagugu doorto in aad madaxweyne kasii ahaato xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya mudadda 2018-2022”, Madaxwaynaha kubbada Cagta adduunka ayaa sidaa ku bilaabay Dhambaalkiisa Hambalyada.

“Fadlan sidoo kale iga gaarsii hambalyo saaxiibada kale ee guddiga fulinta loo doortay. Waxaan adiga iyo xubnaha lagula doortay idin rajeynayaa nasiib wacan iyo in aad ku guuleysataan howlaha idin horyaala.

“Waxaan ka dhur sugayaa wada shaqeyntiina iyo in aan dhawaan kula kulmo si aan shaqsiyan mar kale kuugu hambalyeeyo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close