Chelsea oo Wadnaha Farta ku heysa kaddib markii ay soo baxeen Warar sheegaya in Kante uu Wada hadalo la furay koox ay Coltamaan!!

(England) 18 Nof 2018. Chelsea ayaa wadnaha farta ku heysa kaddib warar dhawaan gal ah oo sheegaya in Manchester United ay wada hadalo la furtay xiddigeeda NGolo Kante.

Blues ayaa saxiixa xiddiga reer France ku garaacday Man United suuqii xagaaga ee 2016, laacibka ayaana tan iyo waqtigaa sumcad wayn ka sameeyay Premier League iyo bandhig joogta ah.

27 jirka ayaa ka caawiyay Chelsea inay ku guuleysato Premier League, wuxuuna door wayn ka ciyaaray in xulkiisa uu ku guuleysto koobka Adduunka ee dhawaan lagu qabtay Ruushka.

Kooxda reer London ayaa dooneysa inay Madaalaheeda ka saxiixato heshiis waqti dheer maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo 2021.

Tokeo la picha la Kante and Mourinho

Yeelkeede, Jose Mourinho ayaa la sheegayaa inuu qaati ka taagan yahay bandhigyada liita ee xiddigihiisa qadka dhexe gaar ahaan Matic iyo Saxiixiisa Cusub ee Fred.

Warsidaha Caught Offside ayaan iminka warinaya in Red Devils ay wada hadalo la furtay Kante iyadoona ku rajo wayn inay la soo saxiixato.

Laakiin waxaan ilaa iminka kala caddeyn sida uu Laacibka u arko inuu u dhaqaaqo gegada Old Trafford, maadaama ay doonayaan kooxo kale oo waa wayn sida Real Madrid iyo PSG.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close