“Waxaan ku Noolaa Qol Mugdi ah, mana heysan Wax Wehel ah oo aan ka ahayn…!!”-Laacibkii hore ee Arsenal Alex Song oo galay NOLOL XAKAAR AH

(Europe) 17 Nof 2018. Laacibkii hore ee Qadka dhexe Arsenal Alex Song ayaa ka sheekeeyay Nolol Xakaar ah uu galay kaddib markii uu ku biiray kooxda Rubin Kazan ee ka dhisan dalka Ruushka.

31-jirka ayaa 18-bilood ku qaatay dalka Ruushka kaddib markii uu bur buray qandaraaskii uu ku joogay Barcelona isla markaana uu soo dhammaaday heshiiska amaahda uu kula joogay West Ham.

Song ayaa ka mid ahaa xiddigo waa wayn oo yimid dalka Qabooha bishii July 2016 waxaana loo sameeyay balan qaadyo dhowr ah oo ku saabsan mashruuca kooxda.

Laakiin sheekada ayaa durba isku rogtay qarow, kaddib markii laacibka laga soo saaray gurigii oo deganaa kaddib lix bilood uu kooxda joogay isagoona lagu qasbay inuu dego xerada tababarka kooxda, halkaa oo ay ka bilaabatay Noloshiisa Xakaarka ah isagoona wehel ka dhigan jiray Taleefankiisa iyo Kumbyuuterkiisa.

Image result for 'I WAS FEELING LOW' Former Arsenal star Alex Song lived in dark training room at Rubin Kazan with just his computer and phone for company

“Waxaan waqtigeyga ku qaadan jiray inaan fariiso qolkeyga, marna xitaa ma daaran jirin Nalalka intaan qolka ku jiro,” Song ayaa sidaa u sheegay Telegraph.

“Waxaan la fariisan jiray Kumbiyuuterkeyga, Taleefishin ma daaran jirin, waxba ma daaran jirin, maxaa yeelay waxba kama fahmi jirin TV-yada Ruushka.

“Nolosheyda oo dhan waxay ahayd Kumbiyuuter iyo Taleefan, taasina caafimaad ma aha.

Image result for Phone and Computer

“Ma garanayo sababta aan Nalalka u daaran waayay maadaama ay shaqeenayeen, balse waxaan filayaa inaan Niyad jab dareemayay.

Xaalada ayaa ku sii xumaatay xiddga reer Cameroon markii laga saaray safka hore ee kooxda isla markaana la siin waayay Mushaarkiisa.

Song ayaa iminka ka tirsan naadiga FC Sion ee ka dhisan Swiss, wuuna ka baxay noloshii Xakaarka uu ku galay Ruushka.

“Inaan wax lacag ah helin waxay aad u sii adkeysay xaalada.

“Waxaan heystay dad ila shaqeeya ina caawiya, mana heysan wax dakhli ah.

“Sanad ka mid ah waayaheyga Ciyaareed ayaan ku soo lumiyay Kazan. Iminka waxaan bilaabay kulamada waana faraxsanahay markale.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close