Maxamed Saalax oo markale meel uga soo baxay Xulkiisa Masar waliba waqti ay ugu Baahi badnaayeen

(Egypt) 17 Nof 2018. Maxamed Saalax ayaa markale meel uga soo baxay xulkiisa Masar waliba marka ay ugu baahi badan yihiin kaddib markii uu goolka guusha u dhaliyay daqiiqadii ugu dambeysay ciyaarta kulankii Tunisia.

Dhaliyaha Liverpool ayaa dhaliyayay goolkiisii Tobanaad, sideedii kulan ee ugu dambeysay uu u ciyaaro dalkiisa, iyagoona kulan isreeb-reebka African Cup of Nations ku garaacay kooxdii ka soo horjeeday.

Ciyaarta oo ah 2-2, Saalax ayaa kubbad one-two ah la ciyaaray Salah Mohsen, ka hor inta uusan kubbada ka dul qaadin goolhaye Farouk Ben Mustapha si uu shabaqa u dhex dhigo.

Guusha ayaa waxay xulka masar uga dhigan tahay inay dhibcaha kala siman yihiin Tunisia iyagoona hogaanka u wada haya Group J, waxaana u harsan hal kulan.

Waxaa xusuus mudan in Maxamed Saalax uu sidan oo kale daqiiqadii ugu dambeysay gool u dhaliyay xulkiisa Masar mar ay la ciyaarayeen Congo si uu markii ugu horreysay 18-sano kaddib ugu soo saaro koobkii adduunka ee dhawaan lagu qabtay Ruushka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close