Georginio Wijnaldum oo fariin culus u diray kooxdiisa Liverpool

(Liverpool) 17 Nof 2018. Ciyaaryahanka khadka dhexe Liverpool Georginio Wijnaldum ayaa xaqiijiyay in rikoorada cajiibka ah ay sameeneyso Reds ay tahay arin lagu farxo, balse aysan habooneyn in kooxda ay kahor istaagaan ku guuleysiga koobab dhamaadka xili ciyaareedkan.

Liverpool ayaa heysata rikoor fiican ee dhanka daafaca ah, iyadoo sidoo kale Reds aysan guuldareysan ilaa iyo haatan kadib 12 kulan ee laga soo ciyaaray horyaalka Premier League.

Georginio Wijnaldum ayaa wareysi uu dhawaan ku bixiyay shabakada rasmiga ee kooxxda Liverpool wuxuu kaga hadlay dhowr arimood ee ku saabsan Liverpool wuxuuna yir:

“Daabcan waxaan sameeneynaa rikooro cajiib ah, laakiin uma ciyaareyno kubada cagta sababtan oo kaliya, waxaan dooneynaa inaan badino kulamo si aan ugu guuleysano koobab xilli ciyaareedka”.

“Waa wax wanaagsan in shabaqeena aan ka ilaashano goolal, waxay arintaas kuu sahli kartaa inaad guuleysato kulamada, laakiin kooxda xili kasta waxaa ka maqan nasiib yar”.

“Waxaan sidaas ku soo aragnay kulankii aan la ciyaarnay Manchester City, kadib markii uu garsoorka ku abaal mariyay rigoore, balse waxay martay birta korkeeda, dabcan, tirakoobyadan waxay muujinayaan heerka daafaaceed ee kooxda, gaar ahaan kulamada garoonka  Anfield”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close